Wasiirka dhalinyarada & Ciyaaraha KGS oo koormeer shaqo kutagay Garoonka DR Ayuub

57

 

Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha dowlada Koofur Galbeed Soomaliya Mudane Ibrahin Adan Ali Najah iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta Kormeer ku tagay garoonka Dr ayuub stadium ee magaaladda Baydhabo oo uu ku socdo dhismo

Koormeerka Wasiirka ayaa waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo gudoomiyaha Degmada Baydhaba

Mudane Ibrahin Adan Ali najah oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha Garoonka iyo sida loo bilaabay ayaa sheegay in dhismaha garoonka ugu weeyn baydhabo ee Dr Ayuub laga dhigi doono garoon weeyn wuxuuna sheegay in garoonka dib u balaarin weyn ay ku sameynayaan

“Si aan u dhameystirno dhismaha garoonka waxaa muhiim noqotay in la banneeyo dhulka ku harreereysan garoonka oo ay dhisteen dad shacab ah maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhaba waxaan ka codsanay inay baneeyaan dhulka ay daganyihiin shacabka ee uu leeyahay garoonka”

Groonka Dr Ayuub ee magaalada baydhabo ayaa ah garoonka ugu weeyn ee Magalaadasi wuxuna Wasiir Najah ka codsaday shacabka dagan hareeraha garoonka in ay baneeyaan si looga dhigo garoonka mid casri ah oo martigaliya tartamo waa weeyn,

Wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaraaha Koonfirgalbeed oo uu wasiir kayahay Mudane Ibrahin Adan Ali Najah ayaa waxa ay ku howlantahay hormarinta Cayaaraha iyo dhalinyarrada ayadoo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqa fursado ay dhalinyarada Ree koonfur Galbeed ka faaaiideysan karaa Mustaqbalka

SAWIRDA HOOS KA DAAWO