SAWIRRO:Wasiirka dhalinyarada & Ciyaaraha KGS oo kulan dhirigelin ah u sameeyay Xulka K/C Koonfurgalbeed.

51

Wasiirka dhalinyaradda & Ciyaaraha Maamulka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa kulan dhiirigelin iyo dardaaran ah u sameeyay Kooxda kubada Cagta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka wasaarada Tamarta iyo biyaha XFS ahna xildhibaan laga soo doorto Koofurgalbeed ayaa qeyb ka ahaa kulanka dhiiragelinta.

Wasiir Ibrahim Adan Ali Najah oo kulanka dhiiragelinta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri”
Waxaan kulan dhiiragelin iyo Dar-daaran ah u sameynay Kooxda kubbadda cagta Koonfurgalbeed ee ka qeybgalaya tartanka cayaaraha ee maamul goboleedyadda oo dhawaan ka furmi doona magaaladda Muqdisho.”
Sidoo kale wasiirka Dhalinyarada & ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaale Najah ayaa tilmaamay in uu rajo weyn ka qabo in guul weyn ay ka keeni doonaan Xulka kubada Cagta koonfur Galbeed tartanka .

Hon Ibrahim Adan Najah ayaa sidoo kale yiri “Waxaan raja-weyn ka qabaa in ay Guul ka keeni doonaan Tartanka,iyadoo ciyaaryahanadda ay qabaan tabbabar sare isla markaana Dowladgoboleedka Koonfurgalbeed uu garab taaganahay dhalinyaradda”.

Ciyaartoyda kubada Cagta koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa wado diyaargarowgii ugu dambeeyay ee tartanka maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka furmidoono magaalada Miqdisho.