Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS oo musuq ku eedeyey xiriirka kubada Cagta Somaliya

115

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane ibrahim Adan Ali Najah ayaa ku eedeyey xiriirka kubada cagta soomaliyeed in ay wadaan musuq-maasuq,

Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta ee Soomaliya uu shahaado sharaf gudoonsiiyey shaqsi la sheegay in uu matalayo KG ayadoo aan lasoo ogeeysiin Wasaarada Ciyaaraha KGS

Wasiir Najah ayaa bartiisa ku soo qoray

“waxaan caddeyneena inaan wax shaqa ah ku laheyn guddoomida shahaadadaas,waxaa nasiib darro ah in xiriirki aan ka sugeynay dhex-dhexaadnimo iyo wanaag ay sameyeen musuq-maasuq”

shaqsigaan haweeneyda ah ee gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta gudoonsiiyay shahaado sharafta ayuu wasiirku cadeeyey in dowlada KGS aysan u soo wakiilan gudoomida Abaalmarintaas

“Ayadoo dowlada Koonfurgalbeed u wakiilan qofna magaca maamulka shahaado laguma gudoonsiin karo taasna nidaamka dowliga ayaa na faraya waana in la ilaaliyaa”ayuu yiri mudane najah

Wasaarradda Dhalinyarradda iyo cayaaraha Koonfurgalbeed waxa ay go’aan horey ugu gaartay inay wax xiriir ah la sameyn doonin xiriirka kubada cagta federalka soomaaliya ilaa laga saxo dhismaha awood geybsiga gudiga sidoo kale raali galina ka bixiyaan dayacii iyo gurmad la,aantii ciyaartoyda KGS ku qabsatay ka qeybgalkooda tartanka ciyaaraha ee 2020.