Ibrahim Adan Ali Najah wasiirka wasaarada dhalan yaradda iyo ciyaaraha DKGS ayaa ka qeyb galay Shirwaynaha qaran ee dhalinyarada somaliyeed kaas oo ka dhacay magaalada muqdisho
Wasiir ibrahim Adan Ali Najah aya ka jeediyey madasha shirweynaha qaran qudbad aad qiimo badan oo dhinacyo badan taabaneysay aya waxa uu sheegay in dhalan yaradda somaliyeed maanta ay yihiin wasiiro,agaasimayaal,xildhibaano,saraakiil ciidan iyo xilal kale oo muhiim u ah umada somaaliyed ay u hayaan sidaasi daraaded wasiirka ayaa waxa u kula dardaarmay in ay umada somaliyeed ugu adegaan si hufan ayna ka shaqeyaan kor u qaadidda dowlad nimada iyo sharafka iyo karaamada dowlada somaliyeed
Wasiirka wasaaradda dhalanyarada iyo ciyaaraha DKGS oo goobta ka hadlaaye aya waxa uu u mahad celiyey madax weynaha dowladda KG mudane Cabdi casiis xasan maxamed lafta gareen mudada xafiiska uu joogay in uu muhiimad gaar ah siiyey dhalan yaradda kasoo jeeda Dowladda KG ayna maanta ka shaqeyaan xarumaha dowladda KG
Dowladnimaa sharafleh.
Dhalinyarada waa awooda umad walba.