Wasiirka dhalinyaradda & Ciyaaraha KGS oo balanqaday Horumarinta Sportska

34

Wasiirka Wasaraadda Dhalinyaradda iyo cayaaraha KGS mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu maanta ka qeybgalay cayaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha ee Dr Waaberi Stadium .

Sidoo kale wasiir Ibrahim Adan Ali Najah ayaa u mahadceliyay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maaliyada Iyo Wasiir ku xigeenka gargaarka Koonfurgalbeed oo iyagana maanta ka qeybgalay cayaartaasi saaxibtinmo oo ka dhacday Garoonka cayaraha ee Dr Waaberi Stadium oo ay igu so dhaweynayeen kooxaha kubbada cagta ee ka dhisan Degmada Xudur.

Wasiirka Wasaraadda Dhalinyaradda iyo cayaaraha Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa uu balanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan Tayenta Cayaaraha iyo dhiiragelinta dhalinyaradda.

Ugu dambeyntii wasiir Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu tilmaamay in sports uu yahay isdhexgalka Bulshada Nabada iyo horumarinta Dhalinyarada.

a