Wasiirka dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha KGS oo Hambalyo u diray Ciyaartooyda iyo Macalinka libaaxyadda KGS

40

Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u mahad celiyay shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya taageerada ay galabta u u muujiyeen Ciyaartooyda liibaaxyada KGS

wasiirka Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu yiri “Waxaan u mahadcelinayaa shacabka reer Koonfurgalbeed sida xamaasada leh ee ay xili hore usoo xaadireen si ay ugarab istaagaan kooxdeena KGS.”

sidoo kale wasiirka dhalinyradda iyo Ciyaaraha dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in ay rajeynayeen guul balse kubadda ay tahay cad iyo madow waxana uu yiri” Waxay ahayd maalin aan kusoo talagalnay guul si aan ugu farxino shacabkeena meel walba ay dunida ka joogaan laakiin nooma noqon sanadkaan insha allah sanadka soo socda ayaan dadaal kan kasii badan gelin doonaa si aan u rumeyno riyada shacabka reer Koonfurgalbeed insha allah”.

ugu dambeyntii¬† Wasiir Najah ayaa Hambalyo u diray kooxda Kubadda Cagta Banaadir ee Galabta guusha ay raacday sidoo kalena u mahad celiyay xiirirka kubadda Cagta KGS iyo macalinkooda mar uu arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yiri” waxaan u mahadcelinayaa xiriirka kubada cagta KGS, Ciyaartooyda,Macalinka kooxda, dhalinyarada abaabulka taageerayaasha ka shaqeynaysay kuwaas oo bixiyay dadaal badan si guul aan u gaarno.
Ugu dambeyn waxaan hambalyo leeyahay kooxda naga guuleysatay.”

libaaxyada kubadda cagta KGS oo ahaa  koox aan la loodin karina balse waxa ka hiiliyay banuuniga waxana ay galabta soo bandhigeen ciyaar wanaag aad u sareyey waxana ay ku sareeyeen dhanka ciyaarta .