Wasiirka dhallin yarada iyo ciyaaraha dowladda KG ayaa xubno muhiim ah uso magacabay gobolka sh hoose

15

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Ibrahim Aden Ali Najah ayaa magacaabay gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Shabeelada Hoose iyo isu duwadaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibrahim Aden Ali Najah ayaa Yuusuf Cali Cusmaan loogu magacaabay gudoomiyaha ururka dhalinyara gobolka Shabeelada Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale isla wareegtadaasi ayaa lagu magacaabay Bashiir Maxamuud Ciise oo noqday isu duwadaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wasiir Najah ayaa labada mas’uul uu magacaabay kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan ay gutaan waajibaadka loo magacaabay,isagoo faray shacabka Koonfur in ururada bulshada ee gobolka Shabeelada Hoose ay la shaqeeyaan xubnaha la magacaabay.

Tan iyo markii loo magacaabay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed mudane Ibrahim Aden Ali Najah ayaa muhiimadda koowaad siiyay isku xirka iyo la shaqeynta dhalinyarada,iyadoo hal ku dhigga wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed uu wasiir Najah ka dhigay”Awoodsiinta Dhallinyarada”.