Wasiirka difaaca oo la kulmay Safiirka Mareykanka.

71

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumada Federalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Safiirka mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada Dhinac.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumada Federalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dowlada Mareykanka uga mahadceliyay door xukumadda Washington ka qaadato dib u dhiska Ciidamada qalabka sida iyo taagerada ay marwalbaa u muujinayan shacabka iyo dowlada Soomaaliyed.

Dhinaca kale Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto,ayaa aad u soo dhaweeyay shaqada adag oo ay wasaaradda gaashan dhiga ay ka sameysay dhanka ciidamada.

Dowlada Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya

Mareykanka ayaa waxaa uu tababaraa ciidamada dowlada ee dagaalka kula jira Nabad diidka Al-shabaab.