Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta K/Galbeed Oo La Kulmay Culimada Baydhabo

13

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta mudane Barre Aadan Cabdi oo La Kulmay Culimada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhaba.

Wasiirada iyo Culumada ay Maanta La Kulmeen ayaa Waxaa Kamid ahaa Qaar Kamid Ah Imaamyada Masaajidyada Magaalada Baydhaba.

Wasiir Ilyaas iyo Wasiir Barre ayaa Culumada Magaalada Baydhaba kala hadlay arrimo badan gaar ahaan Dhacdooyinkii Foosha Xumaa ee Ka Dhacay Baydhaba iyo sidii Culumada Doorkooda Wacyigelineed Uga Qaadan Lahaayeen Arrimahaa.

“Culumada Waa Indhaha Bulshadeenna, Waxa Ay Hormuud Ka Yihiin Tallaabo Kasta oo Dowladu u Qaadayso Dhanka Horumarka, Cadaaladda iyo Amniga. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Waxaa Ka Go’an Kamira Dhalinta Dadaallada Culimada iyo Sidii Loo Joogteyn Lahaa Ka Talagelintooda Ku Aaddan Qorsheyaasha Lagu Horumarinayo Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Ilyaas Saciid Cali