Wasiirka Gaadiidka KGS oo maanta ka qeeybgalay tababar loo soo xiray araday loo tababaray KGS

51

Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa muqdisho kaga qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey ardadii ugu horeysay ee loo tababarey dowlad goboleedka konfur galbeed oo barata cilmiga hagida gaadiidka cirka oo ay ka qalan jebiyeen,

Munaasabadan oo aheyd mid kooban waxaa soo agaasintey wasaarada duulista hawada DFS iyadoo ay goob joog u ahaayeen masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale,

Wasiirka gaadiidka konfur galbeed Mudane Xasan xuseen Maxamed (Eeley) ayaa uga mahad celiyey dowlada federaalka iyo wasaarada gaadiidka dadaalada ay ugu jiraan in ay soo saaraan dhalinyaro soomaaliyeed oo aqoon uleh cilmiga hagida gaadiidka hawada,

isagoo sheegey in ardadan baratey cilmiga hagida gaadiidka cirka in ay wax weyn ka tari doonaan baahiyihii shaqo ee ay qabeen garoomada diyaaradaha ee ku yaal dowlad goboleedka konfur galbed.