Wasiirka Gaadiidka KGS oo safar Shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Xudur +Sawiro

171

Kormeerkan oo bilow u ah Dhismaha iyo dib udhiska garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur ee Gobolka bakool oo uu maanta ku tagey Wasiirka gaadiidka Dowlad goboleedka konfur galbeed oo ay wehlinayeen masuulyiin katirsan Maamulka Gobolka Bakool, Xildhibano, iyo injineero ka socdey Wasaarada Howlaha guud ee dowlad goboleedka konfur galbed,

Ingineerada ka socdey wasaarada howlaha guud iyo dib udhiska konfur galbed ayaa isla maanta guda galey qiimeynta iyo naqshadeynta garoonka diyaaradaha ee xudur waxa ay cabir guud ay ka qaateen qeybaha uu ka kooban yahay garoonka,

Dhibaatooyinka garoonka xudur uu qabo ayaa kamid ahaa in ay soo galeen qaar kamid xaafadaha magaalada sidoo kalena ay ku yaalaan ceelal laga waraabiyo xoolaha taas oo dhibaato ukeeni karta badqabka diyaradaha garoonka isticmaalaya,

Wasaarada Gaadiidka Konfur Galbeed oo kaashaneysa injineero ka socda wasaarad howlaha guud ee konfur galbeed ayaa maanta si rasmi ah u guda galey Howsha hirgelinta dhismaha Wajiga koowaad ee garoonka diyaarada ee Xudur.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA