Wasiirka Gaashaandhigga oo la Kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,

61

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay  Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,

kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa sidoo kale looga hadlay sidii   midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ay u Xoojin lahaayeen Iskaashiga  ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa uu aad u amnaay taageerada Midowga Yurub uu marwalba al garab taganayahay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed .

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa waxa uu tilmaamay in ay wadan qorsho lagu Xoojinayo tayeynta iyo tababarada Ciidamada Xooga dalka .

Midowga Yurub ayaa waxaa sanadwalbaa ku bixiyaa Ciidamada Dowlada federalka Soomaaliay lacago aad u fara badan kuwaasi oo ay ku tagaeeran dhanka tababaarda iyo saanada militari .

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu waddaa qorsho lagu horumarinaayo ciidamada Qalabka Sida qeybahooda kala duwan.