Wasiirka Ganacsiga KGS oo Agab Sports gudoonsiyay Xulka K/Cagta Koonfur Galbed Soomaaliya

90

Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed ayaa tababar ugu socdo garoonka dr Ayuub Stadium ee magaalada Baydhabo.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Hon Mohamed Ali Hassan oo wehliyo Agaasimaha wasaaradda Qorsheynta KGS Isack Mohamud Mursal (Fanax), waxayna gudoonsiyeen xulka agab Sports.

Booqashadaan ayaa ah mid dhiiragalin u ah  ciyaartooyda Xulka Kubadda Cagta Dowlad Goboledak KGS

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Hon Mohamed Ali Hassan ayaa aad ugu farxay qaabka ciyaartooydan ay ugu diyaar garoobayaan tartamada sports.

 Gudoonka Ururka kubada cagta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa garoonka kusoo dhaweyeen mas’uuliyiinta, ayagoona uga mahadceliyey booqashadooda.