Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta KGS oo ka Hadlay Bisha Mowliid

54

Xili ay bilatay bisha Mowliid oo ah bishii uu dhashay Nabigeena Maxamed (NNKH)
Bishaan ayaa waxa la dhigaa munaasabad lagu weyneynaayo maalintaasi qiimaha ku leh ummada muslimka ah.

Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Saalax Shariif Sayid ayaa Muslimiinta Ugu Hambalyeeyey Bilashada Bisha Mowliidka.

Wasiir saalax ayaa waxaa uu sheegay in kan wasaarad ahan ay u diyaar garoobeyn .

Wasiirka ayaa Sheegay in bishan Mowliid ay qiimo weyn ugu fadhiso bulshada Soomaaliyeed gaar ahan shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliyed loona baahanyahay in laga wada qeyb qaato weyneynta bishaan barakeysan.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in la badiyo ducada iyo Alle bariga si dhibaatada ummadda Soomaaliyed ka dulqaado.