Wasiirka warfaafinta KGS oo xariga ka jiray xarunta 2-aad ee TV-ga Koonfur Galbeed

52

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay Xarunta 2Aad Ee TV Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ayaa ka dhacday magaalada Baraawe ee gobolka Shabelada Hoose.

Munaasabaddani ayaa waxa ka soo qeyb galay mas’uuliyinta maamulka degmada Baraawe wariyeyaasha ka howlgala Tvga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo  qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi .

Wasiirka Wasaaradda warfaafin KGS Ilyaas Qalinle ayaa xariga si rasmi ah uga jaray waxana uu sheegay in xarunta labaad ee maanta laga hirgeliyay  degmada Baraawe ay muhiim u tahay sidii warar iyo barnaamijyo  ay u baahan yihiin shacabka ku nool deeganada maamulka Koonfur Galbeed ay ku heli doonaan wixii maanta ka dambeeyo

Wasiir Ilyaas ayaa waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan u taagan yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen tayeynta dhanka warbaahinta maamulka .

Degmada Baraawe oo ah degmo qadiimi ah ayaa waxaa ku duugaan taariikh dheer taas oo qeyb ka ah horumarada maaamulka Koonfur Galbeed uu ku talaabsaday mudadii uu jiray

Xaruntaan cusub ee Tvga  KGS ayaa waxa ay qeyb ka qaadan doontaa siidi bulshada ku nool gobolka ay ugu soo bandhigi lahayeen baahiyadooda iyo waxqabadka maamulka gobolka Shabeelada Hoose iyo horumarada shacabka ku nool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay iskuugu xiri lahaayeen.