Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta booqadey xaruunta tv-ga iyo Radiyaha KGS

164
Mudane Ilyaas Saciid Cali (Ilyaas Qalinle) Ayaa Maanta booqadey xaruunta tv-ga iyo Radiyaha KGS

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ilyaas Saciid Cali (Ilyaas Qalinle) Ayaa Maanta booqadey xaruunta tv-ga iyo Radiyaha KGS oo ay kasocodeen howl maalmeedka Shaqo ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Kormeerey dhamaan Xafiisyada wasaaradu ay Ka koobantahay Isagoona Mid mid kormeer ugu sameyey.Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa Sidoo kale Warbixin kadhageytey Agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada isagoona ku booriyey shaqadooda.

Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigalinta Koonfur Galbeed ayaa uga mahad naqey maamulka iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta shaqada adag ee ay u hayaan umadooda isagoona hoosta kaxariiqey inay muhiim tahay habsami usocodka shaqada wax badan laga bedelo .

ilyaas Saciid Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayaa balan qaadey in wax badan uu kusoo kordhin doona shaqada wasaarada islamarkaana inta badan baahiyaha wasaaradu uu buuxin doono sida ugu dhaqsiyaha badan dhawaan.Wasiirka ayaa kula dardaarmey Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Tvga iyo Radiyahuba inay laba jibaaraan shaqadooda loogana fadhiyo isbedel degdeg ah oo ay kusameeyaan Wararka iyo Barnaamijaadka Kabaxa TV-ga iyo Raadiyaha.

Booqashada Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigalinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ilyaas Saciid Cali uu maanta Ku yimid Wasaarada ayaa ah Kormeerkii ugu horeyey ee uu ku yimaado wasaaradda tan iyo markii uu dhawaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) uu umagacaabey ilyaas saciid cali inuu noqdo Wasiirka wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya .

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA