Wasiirka wasaarada dhalan yarada iyo ciyaarahaha dowlada Kg ayaa maanta tababar ka furay magalada barawe ee casimada dowladda KG

27

BARAAWE, 10,PRL.2021.Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibrahim Adan Ali Najah ayaa maanta magaalada Baraawen ee caasimadda Koonfur Galbeed ka daah furay tababar loo qabtay dhalinyarada magaaladaasi.

Tababarkan uu maanta daah furay wasiir Najah ayaa ku saabsanaa dar-dargelinta iyo awoodsiinta dhaqaale ee dhalinyarada Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Tababarkan ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed mudane Najah,agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cusmaan,maamulka degmada Baraawe iyo mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa tababarka ay ka daah furtay magaalada Baraawe waxaa ka faa’ideysan doona 75 dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar,tababarka ayaana waxaa qabashadiisa iska kaashaday wasaaradda dhalinyarada KGS iyo hay’adda Irisehub.

Si kastaba ha’ahaatee qaar kamid ah dhalinyaradii ka qeyb gashay tababarka maalintii koowaad ayaa wasaaradda dhalinyarada KGS uga mahad celiyay qabashada tababarkaasi.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibrahim Aden Ali Najah ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee dhalinyarada ee taga caasimadda Baraawe,isla markaana la kulma dhalinyarada degmada isla markaana tababaro u qabta.

Sidoo kale wasiir Najah ayaa shaaca ka qaaday in ka wasaarad ahaan ay qorsheynayaan in dhawaan ay mashaariic horumarineed oo u gaar ah dhalinyarada ay ka hirgalin doonaan caasimadda Koonfur Galbeed ee Baraawe.iyo guud ahaan Degmooyinka kg

Wasiir Najah ayaa tan iyo markii uu la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed waxa uu diiradda saaray sidii uu u mideyn lahaa dhalinyarada Koonfur Galbeed iyo sidii uu dhalinyarad Koonfur uga qeyb galin lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

……………. Dhamaad……………