Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha KGS oo ka hadlay qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

49

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Mamulka  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed, iyada oo Warbixino kala duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada, Ciyaaraha ,iyo Dekedaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed  Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalkii u dambeyey ay sameeyen Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad ee fariisinka ku leh Degmada Diinsoor, waxaana Wasiirka xusay in Howlgalka ay sameeyen Ciidanka ay kuso qabsadeen Hub sidoo kale Qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Al-Shabaab .

Wasiir Isaaq Cali Subag  ayaa Amaanay Ciidanka Amniga Magaalada Baydhabo sida ay u fashiliyeen Qarax la doonayey in laga geysto Magaalada Baydhabo kaasi oo xalay lagu fashiliyey Duleedka Magaalada Baydhabo lagana Hortagay.

Kulankan golaha wasiiradda ayaa waxaa lagu amaanay sida ay ciidamada Amaanka Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed ay uga qeybqadanayaan sugida amaanka Guud ee Deegaanada Maamulkaasi