Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo daahfurey tababar lagu baranayo kaalinta Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda

36

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa daahfurey tababar lagu baranayo kaalinta Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda ee dhinaca ka-hortaga & ka-jawaabista musiibooyinka oo ay ka soo qeygaleen Aqoonyahanno ka tirsan Siddeed (8) Wasaaradood, Tababarkan oo socon doona muddo labbo (2)Maalmood ah ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshayaal Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda ugu talo gashay kafaa’iideysiga Tiknolojiyadda ee dhinaca kor u qaadida diyaar garowga maareynta musiibooyinka.

Dadaaladda Wasaaaradda Boostada & Isgaarsiinta ayaa waxa ay kaabi doonaan Qorshaha Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka ee sare u qaadida diyaar garrowga dalka iyo yarreynta nuglaanshaha dadkeena ee Musiibooyinka soo noqnoqdey.

Wasiirka ayaa u Mahadceliyey Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka & khuburada ka socda Ururka “Global System for Mobile Communications” (GSM Association) oo fududaynaya Tababarkan