Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Dowlad  KGS oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsan Ciyartooydii la dhaawacay

87

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlada Koonfurgalbeed Ibrahim Adan Najah ayaa sheegay in falkii lagula kacay Ciyartooyda Koonfur Galbeed uu ahaa mid si ula kac ah loo sameeyay, isla markaan la wada ogaa.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayaa ku sheegay in arrintaan kaliya ay aheyd mid u gaar ah Ciyaartooyda reer koonfur Galbeed, waxaana uu dalbaday in baritano dhab ah lagu sameeyo.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlada Koonfurgalbeed Ibrahim Adan Najah ayaa yiri “Hadii aan jawaab nalaga siin wixii shalay ku dhacay ciyaartoyda Koonfurgalbeed, kama soo qeybgali doonno ciyaaraha gobalka Banaadir lagu qaban doono”

Waxaa uu wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadii aan wax laga qaban in aysan ka qeyb gali doonin koob ay martigeliyay Gobalka Banaadir, sidoo kalena ay Muqdisho ka saari doonaan Ciyaartooyda Koonfur Galbeed ee ka Ciyarta Gobolka Banaadir.