Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada DGKGS Oo Dib Ugusoo Laabtey Magaalada Baydhabo

48

Wasiirka wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Max’ed Eeley oo mudooyin kii ugu danbeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka turkey-ga ayaa maanta soo gaarey magaalada baydhabo.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaana garoon-ka dayuuradaha shaati gaduud Airport siweyn ugu soo dhoweeyey wasiiro. xildhibaano. qaar kamida howl-wadeenada wasaarada gaadiidka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Max’ed Eeley ayaa ka war bixiyey safar kiisa uu ku tagay dalka Turkiga
wasiirak ayaa muujiyey in mudadii uu ku sugnaa dalkaasi turkey-ga ay wax badan uga qabsoomeen ujeedadii uu u maqnaa.

Waxana uu sheegay in ay madaxada dalkaasi Turkiga uu kala soo hadlay arrimo badan oo dhanka iskaashiga ah .