Wasiirka wasaradda Tamarta & khayraadka Biyaha KGS oo Kormeeray Ceel biyoodka Xudur

23

Wasiirka wasaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iimaan Cali Cabdi  ayaa Maanta kormeer ku tagey qaar ka mid ah Ceel biyoodyada Degmada Xudur.

Waxana kormeerka ku welinaayay Maamulka Degmada Xudur iyo qaar ka mid ah Howlwadeenada Wasarada.

Wasiirka ayaa waxa uu soo kormeeray inta badan ceel Biyoodka degmada Xudur  kuwaasi oo biyo siiya magaalada Xudur.

Wasiirka wasaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iimaan Cali Cabdi  ayaa waxa uu sheegay in ay dib u dayactir ku sameyn doonan Ceelasha qaar oo aan shaqeyneyn kuwaasi oo uu sheegay in ay wax ka qabandoonan

Sidoo kale waxaa uu aad u amaanay howlaha adag oo ay wadaan  Ceelasha  degmadda