Wasiirka Waxbarasha KGS oo baaq u direy waalidiinta ardayda.

40

Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Xasan Waliid ayaa sheegay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mudane Maxamed Yuusuf Xasan ayaa sheegay in mashaariicda uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xariga ka jaray ay qeyb ka ahayd iskuul loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta agoonta ah iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin inay geeyaan iskulaadka sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waalidiinta ku boooriyay inya dhiiri geliyaan waxbarashada carruurtooda oo ay siiyaan fursado ay wax ku bartaan.