Wasiirka waxbarashada KGS oo dhagax dhigay iskuul ku yaala Berdaale.

50

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Yuusuf Hassan Waalid oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha gudaha Mohamed Abukar Abdi Guddoomiyaha Gobolka Baay Ali Wardheere Dooyow iyo guddoomiyaha degmada Berdaale Mudane Mohamed Isaack Hassan ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dugsiga Hoose iyo dhaxe ee toosweyne ee degmada Berdaale,

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Mudane Mohamed Yusuf Hassan oo ka hadlay ayaa sheegay in la dardargelin doono goobaha waxbarashadda degmooyinka Koonfur Galbeed maantana ay u taagan yihiin hergalinta ama dhagax dhiga iskuul cusub oo laga dhisayo degmada Berdaale kaasi oo muhiim u ah shacabka degmada.

Bulshada ku nool degmada Bardaale ayaa horey waxaa ay u qabeyn baahi dhanka waxbarashada ah iyadoo ay iskuulkaan ay ka faa’ideysan doonaan arday badan oo horey baahi weyn u qabta dhanka aqoonta.