WasiirkaWasaaradda arrimaha gudaha KGS oo ka hadlay nabadeynta beelihii ku dagaalamay Wanlaweeyn

36

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi oo maalimahan howlo shaqo u joogay Degmada walanweyn ayaa ka hadlay wada hadaladii beelihii degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose ku dagaalamay

Wafdi ka socday Maamul Goboeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ugu horeeyo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Garwadeen ka haaa nadabeeynta labada beelood ee halkaasi ku dagalamay,

Wasiir Mohamed Abukar Cabdi iyo wafdigiisa ayaa shir la qaaty odayaasha labada beelood,Maamulka Degmada iyo bushada Ku dhaqan Degmaada Wanlaweeyn ayadoo sida wasiirku uu sheegay guulo weeyn laga gaaray xalinta shaqaaqada dhexmartay beelaha walaalaha ah ee kuwada nool degmada,

wasiirka ayaa odayasha dhaqanka labad beelood kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida degmada wuxuuna si doo kale sheegay in ay muhiin tahay in odayasha dhaqnka iyo bulshaduba ay la shqeeyaan maamulka Gobolka

Sidoo kale Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa dadaalo badan galiyey sidii loo soo afjari lahaa dagaalada soo noq noqda ee kataagan halkaasi ayadoo gudoomiyaha Gobolka Ibraahim aadan Najah oo uu horay uga digay dagaaladaan wuxuuna sheegay cid walbo oo isku daydo in ay colaad ka abuurto degmada in sharciga la horkeeni doono