Webiga Shabeelle oo ku fatahay degaanno ka tirsan Balcad

41

Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyinka Jameeco, Farbarako, Faydhuxul, Damalley, Bulo Xaaji iyo degaanno kale oo dhammaantood hoos taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada hoose.

Dadka ka barakacay degaannada ay fatahaaddu ka dhacday oo ku sugan Degmada Balcad ayaa sheegay in ay Biyuhu kala tageen dhammaan dalagyadii ay beeranayeen, iyagoo maamulka iyo hay’adaha samafalkuba ka codsaday in ay lasoo gaaraan gar-gaar Aadaminimo.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare uu Magaalada Baladweyne ka daah-furay mashruuca ka hortagga fatahaadda Webiga Shabeelle.