Webiga Shabelle oo fatahaad hor leh ka geystay magaalada Beledweyne

109

Webiga Shabelle ayaa lagu so warrmayaa in maanta fatahaad hor leh uu ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in webiga uu ku fatahay xaafado ka tirsan magaaladaasi, islamarkaana uu saameeyey qoysaskii deganaa halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in webiga uu ku fatahay dhul beereed ku yaalla halkaas, islamarkaana uu baabi’iyey dalagii ku beernaa.

Maamulka Beledweyne iyo kan gobolka Hiiraan ayaa haatan bilaabay dadaallo xoogan oo looga hortagayo fatahaadahaasi.