Weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday Afgooye oo la fashiliyey

66

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weeraray mid ka mid ah koontaroolada ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo ku yaalla Buundada Yar

Iska hor imaad kooban ayaa xalay dhex maray Ciidanka dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana labada dhinac isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo dhankooda ka soo gaaray.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa saaka howlgal ka wada qeybo ka mid ah degmada Afgooye, gaar ahaan goobaha ay weerarka ka soo qaadeen Al-Shabaab.

Afgooye oo Muqdisho u jirta qiyaastii 30KM ayaa si aad ah loo adkeeyey amnigeeda, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ciidamada amniga kordhiyeen koontaroolada laga galo degmada.