Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay gaari ku rasaaseeyeen degaanka Mirocowleed oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waday Qaad ( Jaad), waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay.