Weerar Khasaare oo ka dhacay dalka Austria

27

Ragg hubeysan ayaa weerar ka fuliyey bartamaha magaalada Vienna ee caasimada wadanka Austria,iyagoo rasaas xoogan ku furayey goobo ay dadka ku badnaayeen

Weerarkaasi ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen saddex ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska ee magaalada Vienna ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday

Ra,iisul wasaaraha Austria Sebastian Kurz ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso,isagoo intaasi ku daray in  ay socdaan baaritaano la xiriira cidi ka dambeysay weerarkaasi