Weerar Khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Galgaduud

27

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka  Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas xoogan ku fureen dad ku sugnaa tuulada Orshe ee ku taalla inta u dhexeeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dadka la weeraray ay ahaayeen kuwo u badnaa isku qoys, isla markaana waxaa goobta uu falka ka dhacay durbo ka baxsaday ragii hubeysnaa ee falkaas geystay.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa, waxaana ku dhaawacmay tirro dad ah, kuwaasi oo u badnaa Caruur, iyadoona la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Galmudug.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in weerarkaas ay geysteeen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana weerarka la tilmaamay inuu la xiriiray aano qabiil, iyadoona ragii falka geystay ay baxsadeen.