Weerar khasaaro loogu geestay Al-shabab oo ka dhacay Bakool

22

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyad ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin banaanka degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Wararka ayaa intaasi ku darayaan in Khasaaro kala duwan uu ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Nabad diidka Al-Shabaab.

Xaalada ayaa saakay ah mid degan waxana degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab .