Weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Kismaayo

17

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax nooca is-miidaaminta ah oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 Km u jira magaaladaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse illaa iyo hadda ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen inay hortageen weerarka, islamarkaana ay iyagu ku sugan yihiin deegaanka Janaay Cabdalle.