Weerar Qarax Ku Bilawday Oo Ka Dhacay Gobolka Baay

77

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay maanta weerar ku bilaawday qarax ku qaadeen saldhiga Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed ku leeyihiin degaanka Goof-gaduud Buureey oo qiyaastii 30km u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in degaanka Goof-gaduud Buureey uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab,isla markaana ay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Al-Shabaab ayaa war kasoo baxay waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen Saldhiga Ciidamada ee degaanka goof-gaduud Buureey, kadib markii ay ku qaadeen weerar ku bilaawday qarax ismiidaamin ahaa.

Xaalada degaanka Goof-gaduud Bureey ayaa Maanta kacsan, waxaana dadka degaanka qaarkood ay bilaabeen inay ka barakacaan meelaha ku dhow dhow Xerada Ciidamada ee la weeraray.