Wefdi ka socda DF oo gaarey Dhuusamareeb iyo Qoorqoor oo kulan la qaatay

45

Wefdi isugu jiro Wasaaradda Gaashaandhigga & Maxkamadda Ciidamada ayaa Howla Shaqo u tegay magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug.

U jeedada Wefdiga ay Wasaaradda Gaashaandhiga ay u tegeen Galmudug ayaa la xiriirta Qiimeynta xagga Amniga Gobalka, Furista Maxkamadda U gaar ah tashigeedii u dambeeyay iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay wasiirka Gaashaandhigga XFS, iyo Hoggaanka heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusmareeb.