Weriyaasha Muqdisho oo dhigay Bananbax ay ku dalbanayaan in la sii daayo Weriye Cabdullaahi Kulmiye.

41

Weriyaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedaan xariga Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka mid ah shaqaalaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho oo maalintii saddexaad u xiran Hay’ada  Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya,

Saxafiyiinta ayaa sheegay in  si sharci daro ah ay Ciidmada kala soo baxeen hoygiisa, taasi oo khilaafsan sharciga dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo midka Saxaafada.

Weriyaasha ayaa waxa ay hay’adaha cadaalada dowlada ay ka codsadeen in cadaalada la marsiiyo hadii lagu haayo fal dambiyeed ama in la sii daayo .

Saxafiyiinta maanta dhigayey banaanbaxa ayaa waxa ay Sheegay in suxufigu uu yahay mid leh xuriyad balse in aan Weriyaha loo xirin wareysi uu ka qaaday  Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, oo taageeray fekerka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii wariyaasha ayaa waxa ay tilmamaeyn in ay sii wadi doonaan cabashadooda inta laga soo deynayo wariye Cabdullahi Kulmiye.

Ciidamada ayaa labo habeen ka hor xoog ku galay guriga Weriyaha, kadibna afduubtay, islamarkaana ula dhaqmeen si ka baxsan sharciga saxaafadda iyo sharuucda guud ee dalka.