weriye caan ah oo u Geeriyooday Covid-19

27

Larry King, weriyihii caanka ahaa ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa ku geeriyooday isla Mareykanka isagoo da’diisu tahay 87.

Larry ayaa ku geeriyooday gobolka Los Angeles, waxaana sida ay xaqiijisa shirkadda Ora Media oo uu kamid ahaa asaasayaasheeda uu ku geeriyooday isbitaalka Cedars-Sinai Medical Center.

Muddo 60 sano ayuu ku jiray mihnadda saxaafadda, 25 sanoo oo kamid ahna wuxuu u shaqeynayay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku qaban jiray barnaamij loogu magac daray.

Intii uu saxaafadda ku jiray, Larry wuxuu wareystay shakhsiyaad caan ah sida hogaamiyeyaal siyaasadeed, jilayaal iyo ciyaartooy caan ka ah dunida.