Weriye Cabdullaahi Kulmiye oo maanta la sii daayay

38

Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo u xernaa Ciidamada Hay’adda NISA ayaa Maanta  dib xoriyaddiisa u helay.

Dadaal dheer oo ay sameeyeen wariyaasha ka howlgala  Magaalada Muqdisho  ayay ku suurta gashay in maanta weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow uu xoriyaddiisa dib u  helo.

Weriyaha ayaa waxaa uu  u xiranaa muddo 4 maaalin ah  wareysi uu ka qaaday  Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, oo taageeray fekerka Al-Shabaab.

 Cabdullaahi Kulmiye Cadoow ayaa ka mid ah wariyaasha muddada dheer ka howlgalayay Magalaada Muqdisho

Weriyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya.