WHO oo sheegtay in Covid-19 uu ka soo farcamay sheybaar ku yaalla Shiinaha

28

Gunaanudka ayaa waxaa sameeyay koox ka socota WHO oo booqasho ku tagay Wuhan, oo ah magaalo ku taalla dalka Shiinaha, halkaas oo markii ugu horreysay laga helay feyraska.

Kooxda ka socota hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ee ku sugan magaalada Wuhan, ayaa booqasho ku tagay suuqyada, iyagoo baaritaano ku sameeyay machadyada iyo isbitaallada ku yaalla halkaas. Waxay rumeysan yihiin in feyrsaska uu asalkiisa ka yimid xoolaha, kahor inta uu ku fidin bani’aadamka, balse weli ma hubaan sida ay ku dhacday.

Waxaa jiray eedeymo aan sal iyo raad lahayn oo sheegaya in cudurka safmarka ah lagu abuuray cilmibaaris ka dhacday sheybaar ku yaalla shiinaha.

Howlgalka WHO ayaa bilowday bishii Jannaayo, kadib wadahadallo bilooyin qaatay oo ay xukuumadda Beijing la galeen. Booqashada khubarada ayaana waxaa si dhow ula socday mas’uuliyiinta Shiinaha