Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye

68

Wararka aan ka heleynno Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in  Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya  Maanta Darawal Mooto ku dilay halkaasi

Dilkaan ayaa  loo ayaa ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu soo kala dhexmaray Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda iyo Darawalka, hayeeshee markii dambe Askariga  uu rasaas ku furay y Darawalka Mooto  isagoona  u geeriyooday markii dambe

Marxuumka la dilay ayaa  lagu magacaabi jiray Liiban Abeesow, waxaa uu ka mid  ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mootada labo lugooleyda ee ka howl gala wadad u dhaxeyso Isgoyska Ex Koontarool Afgooye iyo degmada  Afgooye  ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad rayidka ah ee ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa ka qaaday Meydka Marxuumka halkaas kadib amarkii uu sacaado badan yaallay,

Askarigii ka dambeeyay falkaas ayaa Goobta iska baxsaday iyadoo ciidaamada amaanka Dowlada ay ku raad joogaan .

Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa mararka qaarkood Magaalada Muqdisho dilal ugu geysta Darawalada Mooto Bajaajta iyo dadka shacabka ah,

Inta badan Askarta dowlada ayaa  u dila dadka murano  soo kala dhex gala iyo siyaabooyin kale

Saraakiisha amaanka dowlada ayaa weli ka hadlin falkaan ka lagu dilay wiilkaan dhalinyaradda ah .