Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho + Magaca

17

Kooxo hubeysan ayaa xalay wiil dhalinyaro ahaa ku dilay xaafadda Buulo-Xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Axmed Xuseen ayaa waxaa la sheegay in kooxdaasi ay ku amartay inuu dhiibo taleefoonka, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay in la dilo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in burcadii ka dambeysay falkaasi dilka ah ee goobta isaga baxsadeen, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo nooca miinada ah, dilal iyo dhac loo geysanayo shacabka