Wiilka Trump oo laga Helay Xanuunka Covid-19

28

Wiil uu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa laga helay fayraska Korona balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo 14 Sanno jir ah laguna magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday.

Marwada Trump ayaa sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna aysan ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.

Dalka mareykanka ayaa waxaa ku sii badanaayo xanuunka Covid 19