Wufuud kusii qul quleysa Baydhabo iyo munaasabad ka dhaceysa.

22

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ah ,Wakiillo ka socday Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedyada qaar ayaa la filayaa inay Baydhabo uga qeyb-galaan Munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftaagreen.

Shalay waxaa Baydhabo gaaray wadfi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan si uu uga qyeb-galo munaasabadda oo Caawa dhaceysa, waxana la filayaa in maanta ay madax kale tagaan magaaada Baydhabo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftaagreen ayaa la filayaa in uu munaasabadda ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxyaabihii u qabsoomay, xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo Amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha golaha Shacabka, iyaga oo ka hadli doono arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo tan Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxana la arkayaa Ciidamo kala duwan oo Amniga siwyen u xaqiijinaya mararka qaarna baaritaano sameynaya.