Xaalada Cabudwaaq oo Caawa kacsan & Ciidamo gaaray halkas

32

Wararka naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Caawa xaalada degmada Caabudwaaq ay gaareen Ciidama isugu jira kuwa qaabilsan amniga ee kala ah Ciidamada booliska Haramcad, Qaybta 21,aad ee Milatariga Xoogga iyo Booliska Qaabilsan Amniga Deegaanka guud ee Galmudug .

Ciidamadaan ayaa degmada u soo gaaray sidii ay gacan oga Gaysan lahaayeen Sugida amniga deegaanka ka dib markii tacshiir ay fureen kooxo hubaysan ay sababtay geerida labo Ruux iyo dhawaaca Qof Dumar ah sida wararka aan ku heleyno.

Dhinaca kale waxaa magalada soo gaaray wafti uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta galmudug Abdi Jama iskugu jiro wasiiro iyo xildhibaano degaanka ah.

Wafdiga Caawa gaaray Caabudwaaq ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la qaadanaya laamaha kala duwan ee amniga iyo hogaanka Dhaqanka oo ugu Horeeyo Ugaas Mohamed Kayse Ugaas si amniga deegaanka looga wada shaqeeyo

Guud ahaan Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa Siwayn oga naxay falka ay maanta Gaysteen dablayda hubaysan

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa maanta goor sii horreysay ku soo rogay bandow.