Friday, October 22, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Xaaladda bina’aadannimo oo taagan gobolka Tigrey

Xaaladda bina’aadannimo oo taagan gobolka Tigrey

57

Xisbiyada mucaaradka ee gobolka Tigrey ayaa waxay ka digeen “Musiibo bina’aadanimo oo wayn “haddii aan gobolkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar loo gaarsiin.

Xisbiyadan ayaa waxay sheegeen in dadka ay bilaabeen inay u dhintaan gaajo, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka inay arrintan soo faragaliyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in gargaar la garsiiyay gobolka Tigrey islamarkana ay ka faa’ideysteen 1.5 milyan oo qof.

Xisbiyadan ayaa waxay sidoo kale sheegeen in 52,000 oo qof la dilay tan iyo intii uu dagaalka Tigrey bilaabmay bishii November.

Sharaxaad kama aysan bixin qaabka ay tiradan ku ogaadeen, balse waxay sheegeen in dadkaasi ay ku jiraan caruur, haween iyo hogaamiyayaal dhanka diinta ah.

Dowladda Itoobiya ma aysan sheegin tirada ku dhimatay dagaalka gobolka Tigrey.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay waddo howlgal “lagu xaqiijinayo kala dambeynta” kaasi oo ka dhan ah xisbigiii hayay talada Tigrey ee TPLF