Xarunta CID-da oo maanta dib loo bilaabay shaqadeeda

38

Maanta oo tallaado ah Waxaa dib loo furay Xaruntii dadka ay ka heli jireen warqadda dembi la’aanta ee CID-da, kadib markii  loo xiray saameyntii ka dhalatay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Afhayeeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Dhame Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in xaruntaas Maanta dib loo furay, isla markaana ay dib u bilaaban doonaa Adeegyadii CID –da oo dadweynuhu ay ka heli jireen halkaas.

Afhayeen Dhame Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu sheegay in la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego, iyadoo laga taxadarayo faafida Cudurka COVID-19.

“Waxaa la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego, loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka, weji xir (Masks ayay dadku soo qaadanayaan, shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in maalintii la qabanayo 50% tiradii hore loo qaban jiray oo ah 150 qofood maalintii. Halka,taasi oo ah habraacyada xakameynta cudurka Karoona,waxaa kaloo intaa dheer in muwaadiniinta ku sugan dibada ay ka codsankaraan safaaradaha dalalka ay ku suganyihiin.

Ugu dambeyn waxaa bulshada la faray in qof walbo uu soo qaato af-xirka (Mask).inuu qof kale soo wadan si loo yareeyo isdhaxgalka badan iyo inuu yimaado xilliga 06:00 subaxnimo.