Xasan Cali Kheyre oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyed

14

Ra’iisul wasaarihii hore ee xukumadda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray dhamaan shacabka soomaaliyed munaasabadda calanka ee 12 October .

Qoraal uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ayuu wuxuu ku yiri ” Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed. Calanku waa astaanta dunidu nagu taqaanno. October 12, 1954, waa maalintii ugu horreysay ee la gardaadiyay Calanka Soomaaliyeed. Calanka iyo dowladnimadu waa mataano, waxaana hooyo u ah xornimada.

Mudane Kheyre ayaa shacabka u hambyeeyay malinga calanka.

Sanad walba maanta oo kale ayaa la xusaa maalinta calanka soomaaliyeed 12 October.