SAWIRRO:Xasan Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada Soomaaliyeed ee baarlamaanka Kenya ku jira

33

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gar ah la qaatay xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya .

Xasan Cali Kheyre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Kheyre oo la hadlayay Xildhibaanada ayaa waxa uu sheegay in laga Wadatashado Mustaqbalka Iyo aayaha Dalka , waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin”

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa yiri  “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya”

Gabgabadii Hadalkiisa ayaa Waxaa uu  tilmaamay in uu Horay wadatashiyo dhaxal gal ah la yeeshay madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday waxa uu waday kulamo uu la Qaadanayo Siyaasinta iyo Madaxda Gobolka .