Xasan Sheikh oo mar kale ka digay dib u dhac doorasho.

32

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.
Xasan sheikh ayaa waxaa uu ka dhigay in dib u dhacdo doorashada tasoo keeni karta in dalka uu jahwareer siyaasadeed uu galo .

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa uu tilmaamay in dhinaca mucaaradka ay u diyaar garoowe .

“Anaga waan isku diyaarinay doorasho tan ka weyn oo qof iyo cod ah doorashadaan dadban waa naqanaa cabsina kama qabno haddi an lagu shubanin ” sidaasi waxa yiri madaxweyne Xasan Sheikh .

Mudane Xasan Sheikh ayaa waxaa uu si cad u sheegay in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

Hadalka Xasan Sheikh ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dalka uu doorasho galayo waxana la filayaa in la soo xullo ergada Dooran doonto Xildhibaanada.