Xiisad Dagaal oo ka taagan Degmada Warshiiq

21

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Warshiiq ayaa sheegaya in halkaasi ay Xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ka taagan deegaan lagu magacaabo Bakaaroole oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xiisada ayaa timid kadib markii dhawaan dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Xawaalo Odayaal ee duleedka Warsheekh, kaasi oo salka ku haayay arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana xiligaas kadib deegaano hoostega degmadaas kasoo cusboonaaday xiisad colaadeed.

Sidoo kale Dadka deegaanka Bakaaroole ayaa sheegay inay jirto cabsi xooggan oo ku aaddan inuu dhaco fal la xiriira aano qabiil, isla markaana waxaa halkaas isaga tegay gebi ahaan raggii ku sugnaa sida dhalinyrada iyo Odayaasha, xitaa waxaa horey loo sii waday Caruur da’yar.

Illaa iyo hadda ma jiro wax dadaalo ah oo socda, isla markaana lagu kala dhex-galayo beelaha walaala ah ee colaada  u dhexeeyso, in kastoo uusan jirin wax dagaal ah, balse cabsi labada dhinac ah ayaa jirto.